photo: Erin D. Carter

River Learning Center | GATEWAY

Arag dhulka, biyaha, iyo dhaqanka Wabiga Mississippi (Mississippi River).

Rugta River Learning Center waa barnaamij ay magaaladdu wadato oo isku dara isticmaalka-isku jira, goob xooga saarta wabiga iyo Xarumaha Adeega Barxadaha ee Qaranka (National Park Service Headquarters) ee Crosby Farm Regional Park, oo u adeega siddii albaab qaran oo laga galo Wabiga Mississippi (Mississippi River) iyadoo sannadka oo dhan wabiga wax lagu baranayo iyo ku faakihaysiga dibada ee hareeraha wabiga St. Paul.

Jaan-goynta Naqshada iyo waqtiyada xiriirinta

Mashruuca Marinka Ilaalinta Bay’ada ee Wabiga Balaaran (Great River Passage Conservancy) iyo Magaaladda St. Paul (City of Saint Paul) waxa ay la shaqeynayaan qolo Magaaladda New York xaruntoodu tahay oo la yiraa (W Architecture & Landscape Architecture) si ay u hogaamiso habka jaan-goynta iyo naqshadeynta ee rugta River Learning Center.
Jaan-goynta naqshada waxaa ku jira daraasad rugta ah, u kuurgelida qadiyada naqshada, bixinta guudmar guud oo ku saabsan barnaamijyada iyo waxyaabaha aasaasiga ah ee rugta River Learning Center iyo helida ra’yi guud oo ku saabsan muuqaalka iyo dareenka mashruuca. Midigta waxaa ku qoran jadwalka waqtiga ee xiriirinta nidaamkan.

Jadwalka Waqtiga

Maarso 2022
Kooxaha gaar wax u eegida

Abriil 2022
Kulanka beesha ee kumbuyuutarka lagu qababayo
Afitda beesha ee #1

Juun 2022
Kulan beeleed si loo eego naqshado cayn kale ah
Afitda beesha ee #2

Luulyo 2022
Dib u eegida ugu dambaysa ee aragtida naqshada kalida ah ku saabsan

Dayrta 2022
Daahfurka jaan-gooyada naqshada iyo xusida beesha

Maalgeliyeyaasha iyo Is-kaashiyada:
  • City of Saint Paul
  • National Park Service
  • Mississippi Park Connection
  • Friends of the Mississippi River
  • Wilderness Inquiry
  • Capitol Region Watershed District
  • McKnight Foundation
  • Shepard Family Fund
  • Shakhsiyaadka Deeq-bixiyaasha ah ee Qarsoon