photo: Chris Juhn

Maaweeladda Wabigu (River Balcony)

Maaweeladda Wabigu (River Balcony) waa soo jeedin ah in laga dhiso 1.5-mayl oo lagu taxaasho jiinta wabiga ee beledka hoose (downtown) ee Saint Paul, kaa oo isku xiri doona goobaha maxfalada ah, meelaha caanka ah ee dowladda iyo rugaha horumarinta, fidina doona ku xiraansho cusub oo wabiga ah oo ka dhaliya horumar dhaqaale hareeraha wabiga.

Naqshada Mashruuca

Magaaladda Sain Paul iyo Hay’ada Ilaalinta Marinka Wabigu waxay kala shaqeeyeen hay’ada James Corner Field Operations  iyo la taliyeyaal dhamaystirka jaan-goynta qorshaha naqshada ee Maaweeladda Wabiga (River Balcony). Jaan-goynta qorshaha naqshadda waxaa ku jira darsid rugta ah, u kuurgelida qaabka naqshada, bixinta guudmar guud oo ku saabsan tas’hiilaadka iyo mashruucaynta aasaasiga ah ee Maaweeladda Wabiga (River Balcony) iyo helida fikrad guud oo ku saabsan eegmada iyo dareenka mashruuca. La tashi beesha ah oo bilo socday ka dib, waxaa farxad noo ah inaan soo bandhigno jaan-goynta qorshaha kama dambaysta ah.

Talaabadda Xigtaa waxa ay ka koobnaan doontaa muddo lix-bilood ah oo gudbid ah si loo abuuro qaab maamul, loo qeexo doorarka iyo mas’uuliyadaha iskaashiga, loo qaabeeeyo xeelad dhaqaale loona qiimeeyo wajiyada mashruucu uu mari karo. Nagu xirnow anaga (Stay connected with us) si aad u hesho hadba wixii soo kordha kolka uu mashruucu horey u sii socdo.

Waqtiga Mashruuca

Janaayo – Nofeembar 2022
Ka Qaygelinta Beesha

 

Nofeembar 2022 – Maajo 2023
Mudadda Gubida ah:

  • Abuurida qaab maamul
  • Qeexida doorarka mas’uuliyadaha iskaashiga
  • Qaabaynta Xeelad Dhaqaale
  • Qiimeynta wajiyada mashruucu uu mari karo

 

Maajo 2023 – Ka Gadaal

  • Lacag gurid
  • Naqshada gaba-gabada ah
  • Dhismaha
  • Hawlgalada

Iskaashiyada iyo Maalgeliyeyaasha:

  • City of Saint Paul
  • Ramsey County
  • Metropolitan Council
  • Ecolab
  • Xcel Energy
  • District Energy St. Paul
  • RiverCentre
  • Visit Saint Paul
  • Knight Foundation
  • Science Museum of Minnesota
  • Securian Financial
  • Saint Paul Public Library
  • Capitol Region Watershed District
  • Ruth and John Huss